Xuuraanka Waddaniga iyo Wax ka Ogaanshaha codowga gudaha

Wax ka ogaashaha codowga gudaha, wararka naga soo gaaraya xuuraanka waddaniga, waxay caddeynayaan inuu yahay shacabka reer muqdisho midaan ka dhiidhin cadawga gudahiisa ah, sababtoo ah waxaa xafiisyo ku leh gudaha magaalada dadka tahriibiya caruurteenna kana iibiya guryahooda iyo boosaskooda ka dibna lacagta ka qaataan, waxayna lacagtaasi ku shubaan wakiillo iyo nambar-sireedyo gaar ah oo loo soo tuuro marka ay ballamaan ka dib.

Waxaa caruurtooda lagu sameeyaa dhibaato iyo jir dil, haba ugu darraadeene gabdhaha oo laysugu daro jir dil iyo kufsi iyadoon waxba diidi Karin.

Waxaa wax laga xumaada ah, in qof caruurtaadi ku sameeyay waxaas, haddana aad ugu darto qarash iyo lacag, welibana aad ku faraxsanaato in caruurtaadi in la siidaayay.

Waxaa kaloo wax lala yaaba ah, ariga shabeelka lama daaqo ee miyay ka liitaan shacabka soomaaliyeed, qof wuu dhintaa ama sharaf ayuu ku noolaadaa wixii ka dhaxeeyana waa dar xumo iyo wax ilaahey laga magan galo, waxaana wax laga xumaado ah waxa caruurtooda lagu sameynayo haddana ay raali ka yihiin.

Waa la yaabee miyey ka dhego la’yihiin mas’uuliyiinta laamaha amniga gaar ahaan degmada, waaxda, booliiska iyo nabad sugidda, miyaanan laga warheyn qalqalka iyo dhibaatooyinka ay kooxahaasi ka wadaan shacabka dhexdiisa, haddii qaraxii iyo abaarihii loogu daray gadasho qof bini,aadan ah isagoo ewelba dhibaateysnaa markii la yiraahdo cunuggaadi wuxuu gacanta u galay gefsaneyaasha aan naxeynin, markaasuu ordaa uu kharash ka soo uruuriyo dadka soomaaliyeed dhexdiisa isagoo leh ii kaalmeeya cuniggii baa gefsaneyaasha iga heystaan, waxaa dhinaca ka fadhiya marka uu tuugsanayo qeyb ka mid ah gefeyaasha, oo farxad la dhoola caddeeyaan markii ay arkaan shaqsigii laga heystay ilmahiisa, ka dibna waxaa fadhigiisa loogu keenaa lacagtii la soo dalbaday oo dhan oon shilin ka dhineyn.

Haddaba sow ma muuqato silsillada isku xiran ee gefsaneyaasha wakiilka ah ee jooga dalka, malelyska indho tirayaa waalidiinta maalin kasta ooyaya eel eh caruurtii baa leyga heystaa. Maala raaco fiilada isku xereysa waalidka iyo gefsanaha weyn ee lacagtaasi ku shubanto maa laqabto cumalada u shaqeysa ee xafiisyada ku wada yeeshaday dalka gudahiisa.

Xubintii dhaqanka iyo qoyska.

Waxaan in mudda ah maqleynay, gabdho aabayaashii dhalay ay taleefoon ugu mahrinayaan shaqsi aysan aqoon waxa uu yahay, taasoo aan waafaqsaneyn nidaamka dhaqanka iyo qoyska soomaaliyeed, sababta oo ah waxaa muhiim ah in la yaqaanno shaqsiga la siinayo gabadha, haddeysan ahayn miday iyado dooratay gabadhu ayna uleedahay aqoon dheeraad ah iyo barasho gaar ahba, kuna yimid rabitaan keeda, taasoo laga yaabo qofka soo dalbaday gabadha inuu yahay qof qaba cudurrada khatarta ah iyo inuu u shaqeeya hay’adaha gaarka ah ee ka faa’iideysta xubnaha jirka bini’aanka, kana iibsada dadka dhibaateysan killiyahooda,beerkooda, wadnahooda iwm.

Taasoo, wax war ah uusan ka heynin hab dhaqanka qoyska la asaasay siduu noqon doono.

wuxuu soo jeedinayaa xuuraanka waddaniga, gabdhaha in la siiyo qofkastoo muslim ah, lana yaqanno hab-dhaqankiisa iyo degaanka uu ka soo jeedo, sababtoo ah waxaa la yiri (Gabadhi waa hilib bisil) cidna laguma tuuro hilibkaada, Digniin- haa u xilan dhaqaalo yare e aad qaadato markaas ee waxaad ahmiyadda siisaa in shaqsigu yahay kii munaasabka ahaa iyo in qoyskaasi uu ku Dhismo si Alle Swt, raali ka yahay kuna dhaqmaan.

Xubinta Amniga.

Si wax looga qabto xafiisyada tahriibinta, kuwa ku caanbaxay iibsiga iyo ka faa’iideysiga jirka bini’aadanka, waxaan usoo jeedinayaa soomaali oo dhan meelkastooy joogto inay arkaan cadowgooda gudaha, iskana qabtaan sababtoo ah waxay heystaan dowlad iyo ciidan haddey la kaashadaan, waxay si degdeg ah u baabi’in karaan dhammaan cadowga gudaha.

Waxaad dawo iyo degenaasho ku heleysaan idinkoo degmo iyo gobol gacmaha isqabsada dhammaan ummadda soomaaliyeed, maamullada ka jirana shacabka ay tusaan waxa dhibaataynaya, waxaa si degdeg ah dhexdooda uga baxaya cadowga gudaha iyo dibadda, waxayna helayaan amni iyo kala dambeyn, amniguna wuxuu dhalayaa garsoor, midnimo, horumar, iyo barwaaqo, waana halka loo baahan yahay inay umadi ku noolaato adduunka intey joogaan dushiisa.

Hal ku dhig gaaban.

  • Dawadu waa noloshaadoo
  • Dalkaadey ku jirtaaye
  • Ha ku daalin shisheeye
  • Daruuftaada iyo kheyrka
  • Daa’inkaa wax ku siiyoo
  • Isagaan dayaceyne
  • Dariiqa toosan ku raadi

Qoraa: C/Salaam Axmed Gabeyre