WAR CUSUB: Baabuur Xoog Lagu Soo Furtay & Iskahorimaad Ka Dhacay Duleedka Beled Weyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Beled weyne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in is rasaaseyn maanta ka dhacday Magaaladaasi Duleedkeeda.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Amniga waxaa weerar lagu qaaday Koox Isbaaro dhigatay halka loo yaqaano Burjada Ceynta oo Duleedka B/weyne dhacda.

Iska horimaadkaas waxaa la sheegay inuu ku dhaawacmay askari katirsan ciidamada Xasilinta B.weyne ee weerarka qaaday.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Carab Yuusuf waxa uu beeniyey in khasaaro dhankooda kasoo gaartay is rasaaseyntaas isagoo ku faanay inay ceeriyeen maleeshiyadii isbaarada dhigtay.

Taliye Carab waxa uu shaaca ka dhigay inay soo bad baadiyeen Dadkii la socday 10 baabuur oo lagu heystay Galbeedka B.weyne ee burcada gacanta ku heysteen.