Sheeko ku saabsan Hunguri weynida.

 

Qarnigi 8aad ayey noolaayeen ismana jecleyn taana waxaa ugu wacnaa xoolo jaceylka aadka u faraha badan.

Soomaalidu waxey tiraahdaa “NIN SOORI QAADAY WAA NIN SEEFU QAADAY” Maalin ayaa nin sheekha wuxuu soo agmaray salaadiintoodi oo meel taag taagan wuxuuna kuyiri “ILLAAHIINU CAGAHIINA KA HOOS AYUU KU JIRAA ” . Markiiba qoorta ayey ka jareen.

Maalmo kadib waxaa maqlay Sheekh kale oo yaqiinay ikhlaasnimadii …sheekha la dilay wuxuu ku yiri “maxaad Sheekha u disheen”? .” Waxay ku yiraahdeen, kalmado shirki ah ayuu ku hadlay”, wuxuu ku yiri bal igeeya maalintaas meesha aad taagneydeen weyna geeyeen.

Wuxuu faray in la qodo meesha, marki la qoday waxaa kasoo baxay kunuuz dahab iyo lacag ah oo meesha waxaa horey u dagganaan jiray dadyoow quruun hore noolaa laakiin, nasiib darro waxaa meesha markiba ka billowday khilaaf xooggan oo salaadiinti ka dhex billawday waana leysu habar wacday, waxaana meeshaas ku dhintay durbadiiba dad badan ilaa aakhirkii qolo yar ay maalki la wareegtay.

Sheekhi ayaa la hadlay haraadigi soo haray wuxuuna ku yiri Allaylehe wuu idin sheegay Sheekhii aad disheen oo ALLE ayaa u kashifay inaad maalka jeceshihiin oo aad Rabiga aad caabudaan uu yahay maal aduunyo taasina macna malahan oo waa sharaf beel horseedi karta tafaraaruq iyo kala tag natiijadu waa “HUNGURI AYAA DULEEYAY”.

Marka yaanan marnaba lagu fikirin Sedbursi, waxaana loo baahan yahay in leyska ilaaliyo xoolaha ummadda ay wada leeyihiin oo lagu qaato habka musuq-maasuqa

Waxaana sidoo kale xaaraan ah in lagu tagri falo awooddaha uu ilaahey kuu dhiibay shacabka kugu aaminay xilalka si aad iyaga ugu qeybiso si caddaalad ah.