Shariif Xasan oo iska casilay xilka Madaxweynenimo ee Dawlad gobolleedka Koonfurgalbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo goordhaw Warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay Xilka Madaxweynenimo ee Koonfurgalbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay in uu sidoo kale ka tanaasulay in uu ka qeyb galo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo la qorsheeyay in ay qabsoonto 17-ka bishaan November ee aynu ku jirno.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu si KMG ah xilka ugu wareejiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo heynaya xilkaas inta ay ka dhaceyso doorashada.