Safiirka Soomaaliya ee Koofurta Suudaan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Dalkaasi

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Koofurta Suudaan Xuseen Xaaji Axmed ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Koofurta Suudaan, waxayna ka wada hadleen sidii loo dhaqan galin lahaa Heshiisyada ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo koofurta Suudaan.

“Wasiirka ayaan xafiikiisa kula kulmay waxaan ka wada hadalnay sidii loo fulin lahaa waxyaabihii ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan maalin dhaweyd ka wada hadleen, sida la og yahay Jaaliyad Soomaaliyeed ayaa joogta dalkan oo aad loogu amaanay doorka ay ku leeyihiin wadanka, marka waxyaabo yaryar oo cilado ah oo jira ayaan wadajir u xalin doonaa”.ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Koofurta Suudaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Koofurta Suudaan iyo Wasiiro kale ayaa loo xilsaaray inay fuliyaan Heshiisyada Labada Madaxweyne, iyadoo Madaxweyne Salva Kiir uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay markuu booqasho ku tagay dalkaasi in Soomaalida ay door fiican ku leeyihiin ganacsiga iyo Horumarka Koofurta Suudaan.

Safirika ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhaqan galka Heshiisyada ay isla gaareen Labada Madaxweyne, isagoo sheegay Safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan in la siinayo Dhul ay degto maadaama hada ay ku jirto Guri kiro ah.