Qaraxyo Ka Dhacay Jalalaqsi Oo Saacado Ka Hor Al Shabaab Deegaano Laga Qabsaday

Warar aan duhurnimadii ka helnay Magaalada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi laga maqlayo Qaraxyo dhowr Ah.

Qaraxyada waxaa ay ahaayeen kuwo lagu aasay Dhulka islamarkaana ay ka dhaceen deegaanadii ugu dambeeyey Ee Maanta laga saaray Al Shabaab.

Tuulooyin ku teedsan Jalalaqsi ayaa la sheegay in ciidamada Miino baarista ay ka saareen dhowr miino deegaanadii udambeeyey Ee La qabtay.

Gudoomiyaha Jalalaqsi Ibraahim Madoobe waxa uu sheegay inay Ciidamada sii wadayaan Baaritaanada Amniga lagu xaqiiijinayo si looga hortego buu yiri Amni daro ay maleegaan Al Shabaabkii laga saaray Deegaanadaasi.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ayaa Buur weyn iyo Tuulooyin kale ka saaray Al Shabaab kadib duulaan ay Saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen.