Monitoring Group Oo Sir Culus Kasoo Bandhigay Dhuxusha Soomaaliya Dalalka Loo Dhoofiyo

Kooxda Dabagalka QM Uqaabilsan Xayiraada Saaran Soomaaliya iyo Ereteria ayaa soo bandhigay Warbixin cusub oo ku aadan Dalalka loo dhoofiyo Dhuxusha laga daabulo Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in Xarakada Al Shabaab ay Malaayiin Dollar ka sameeyeen Lacagaha Canshuurta ah ay ka qaadaan Dhoofka Dhuxusha Soomaaliya.

Warbixintaan oo aan la daabacin balse ay sir hoose ay uheshay awgeed lagu daabacay Wakaalada Wararka Reuters ayaa cadeeneysa in Al Shabaab heleen dakhliga badan.

Waxa La Sheegay in tani iyo Bishii Maarso ay ujeedada ugu weyn ee soo iibsiga dhuxusha loo maray wadiiqo Cusub taasoo la adeegsanayo Maraakiib ka dul babanayaan Calamada Waddamada Comoros, Ivory Coast iyo Ghana -Iyadoo kadib dhuxusha looga rarayo Dekedaha Iran, deetana lagu xiro xiro bacaha cad ama Jawaano laguna Dul qoray inay Soo Saartay Dalka Iiraan.

Jawaanada ayaa markii lagu xir xiro Dhuxusha waxaa laga dhoofiyaa Dekada Al Xamariya Ee Magaalada Dubai Dalka Isku taga Imaaraat-ka Carabta.

Dawlada Iiraan waxaa lagu Eedeeyey inay jebisay Mamnuucista Saaran Dhuxusha Laga dhoofiyo Soomaaliya.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu cadeeyey in 150 Milyan Dollarka Mareykanka laga helo Dhoofka dhuxusha Soomaaliya,oo xitaa mida Imaaraat-ka loo geeyo ku jiraan.

Xarakada Al Shabaab ayaa Canshuur ahaan uga hela Dhuxusha la dhoofiyo ka helaan ayaa lagu khiyaasay Lacag dhan 7.5 Milyan Oo Dollarka Mareykanka.

Danjiraha Dawlada Imaaraatka uqaabilsan QM Lana Nusseibeh ayaa sheegtay inaysan jawaab bixin karin Eeda loo jeediyey Maadaama weli aan warbixinta la daabacin.

Waxay sheegtay Imaaraat-ka inay u hogaansan tahay Cunuqabateynta QM soo rogtay sidaa awgeedna aysan dooneyn inay xad gudbaan.

Golaha Amaanka QM ayaa mamnuucay Dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo Sanadkii 2012-kii kuna baaqay in la joojiyo taageerada ilaha ay ka heli karaan Shabaab.

Waxaa Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi