Madaxdda Hirshabelle oo ka mahad naqay Xildhibaannadii gaaray Degaanka Aadan Yabaal

La taliyaha sare ee dhanka saxaafadda Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa bartiisa ku daabacay mahadnaqa ay madaxda Hirshabelle udireen wafdiga gaaray deegaannada gobolka shabellaha dhexe.

Sidaan ayuuna u qornaa :-

“Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Ali Gudlaawe Hussein waxaan amaan iyo mahad ballaaran ujeedinaynaa Xildhibaan Caraboow oo ah xildhibaan kasoo jeeda Hirshabelle booqashadiisa iyo dhiirri galinta uu u muujiyay, shacabka isku xilqaamay in ay iska xoreeyaan cadawga argagixisada ah .

Waa tallaabo aad u wanaagsan,waajibna ku’ah dhamaan xildhibaannada golaha shacabka in ay garab istaagaan shacabka ay wakiilka ka yihiin.

Waxaaan dhamaan Xildhibaannada golaha shacabka ee kasoo jeeda deegaannada Hirshabelle waxaan ku boorrineeynaa in ay gaaraan deegaannada ay matalaan, si loo gaaro horumarradii reer Hirshabelle ka sugayeen mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Waxaan sidoo kale mahadnaq taa lamida udiraynaa Xildhibaan Mohamed Abtidoon oo kamid ahaa wafdigii gaaray deegaannada Aadan’yabaal ee gobalka shabellaha dhexe.

Mahadsanidiin !
Hassan Abdikadir Mudey

(function(d, s, id) { var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0]; if (d.getElementById(id)) return; js = d.createElement(s); js.id = id; js.src = ‘https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v3.1’; fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);}(document, ‘script’, ‘facebook-jssdk’));

Posted by Jabhada Dib Uxureeynta Gobalka Shabeelada dhexe on Saturday, September 8, 2018

(function(d, s, id) { var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0]; if (d.getElementById(id)) return; js = d.createElement(s); js.id = id; js.src = ‘https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v3.1’; fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);}(document, ‘script’, ‘facebook-jssdk’));

Muqdisho

Dowladda Fadaraalka ayaa loogu baaqay in ay garab istaagto ciidanka la magacbaxay macawiisleey ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Posted by Universal Somali TV on Wednesday, October 10, 2018