Ilhaan Cumar Oo ku Guuleysatay Kursiga Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka

Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay kursi ka mid ah kuraasta doorashooyinka dalka mareykanka iyadoona ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, halka Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota.

Isku soo wada duubo doorashada, labada xisbi ayaa kala qeybsaday labada aqal ee Congress-ka, iyada oo Dimoqraadigu uu qaatay Aqalka Hoose, Jamhuuriguna uu sii xajistay Aqalka Senate-ka.

Sidoo kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey.