Horumarinta Ganacsiga Dibadda.

Horumarinta ganacsiga dibadda, markii dhaqaalihii ganacsiga dunnida horay u maray, si badeecadaha leysku bedesho, waxaa lagama maarmaan noqotay in badeecad walba lagu jaan-gooyo lacag.

Sidaa darteed, badeecad walba waa la gadaa, waxaana lagu gadaa lacag, marka lacagtu waxay ciyaartaa doorar mihiim ah xagga wax kala beddelashada badeecadaha dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba.

Doorarka muhiimka ah ee lacagtu leedahay waxay kala yihiin:-

A-qiimaha cabbiraadda oo ah in badeeco kasta lagu iibiyo qaddar lacag ah ee qiimaheeda la tilmaamayo, waxaana lagu magacaabaa sicirka badeecadda.

Sicirka badeecaddu waa tilmaanta lacageed ee qiimaheeda, inta aan la gedin badeecada waxaa lagama maarmaan ah in qiimaheeda lacag lagu cabiro, taasoo ah  in la xaddido sicirkeeda sidaasey ku noqotay lacagtu qiimaha cabbiraadda.

B-Qiimaha wax isweydaarsiga, oo ah marka sicirka badeecadda la xaddido oo la damco in la iibsho waa in lacag lagu beddesho.

Haddaba, markani waxay lacagtu noqotay qalabka wax isweydaarsiga badeecadaha, wareegga badeecadduna wuxuu ku xiran yahay kan lacagta iyadoon shillin ama lacag la hayn ayaa la xisaabi karaa hantida dalka qiyaas ahaan, inta uu noqonayo tacabka dalka iyo qiimahiisa lacageed.

Haddaba, tirade lacagta loo baahan yahay had walba waa inay ay u dhigantaa sicirka badeecadda suuqa wareegeysa oo dhan, iyadoo la eegayo xawliga lacagta ku wareegto.

T-Hanti Caalami ah, oo ah in lacagtu tahay hanti caalami ah, oo mar alla markii loo baahdo badeeco lagu soo baddelan karo, sidaa darteed waxaa loo isticmaali karaa qalab keyd ah, waana in ay lahaato qiimo u gaar ah, oo hadhoow lagula soo wareegi karo badeeco u dhiganta.

Lacagtu, waa inay wareegtaa oo aan meel lagu qarsan, si aanay u istaagin wareegga badeecadda maalin walba dadku u baahan yahay in ay isdhaafsadan, taasoo lacag la’aan suuragal ahayn ama keeni karta hoos u dhac ku yimaada qiimaha badeecadda markii lacagtu ka yaraato qiyaastii loogu talagalay in badeecadaha laysku dhaafsado

J-qalab deyn bax, oo ah in iibinta iyo soo gadashada badeecadda badanaaba deyn lagu kala qaato, oo muddo kadib, ninkii iibsaday ayuu bixinayaa lacagtii badeecaddii uu deynta ku qaatay.

Haddaba, lacagtu waxay markani noqotay qalab deyn bax ah, waxaana noocan isticmaala dowladda wakaaladaha, iyo shirkadaha madaxa bannaan oo sannad ama saddex bilood ku bixiya deynta kadib markii ay soo gaarto warqadda qaan-sheegadka ee hay’addii ay wax ka soo qaateen.

X-lacagta dahabka ah. Oo ah in lacagtu tahay shey caalami ah marka ay dahab tahay, oo ganacsiga dowladaha ka dhaxeeya dhexdhexaadisa sidii badeeco caadi ah; waayo dahabku waa badeeco ninna diideyn, cid walbana qaadaneyso.

Sidaa darteed, ayaa ganacsiga caalamiga ee dowladaha ka dhaxeeya dahabka loo door biday.

 

Habka lacageed ee Adduunka.

Dahabku, waa macdan culus, oo aan ku badneyn dunnida, dalkastana wuxuu isticmaalaa lacag xaashi ah iyo macdan aan qiimo lahayn oo qiimaheedu bangiga dhexe ee dalka keyd dahab ah yaal damiintay dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba.

Markii suuqa dalka laga baxo oo suuq waynaha adduunka loo gudbo, dahabka lama qaadi karo, qiimaha lacageed ee dalkastana lama aamino karo, markaa waxaa loo baahday lacag dahabka metesha oo wax leysku weydaarsado, ilaa hadda lacagta doollarka ee dowladda mareykanka oo qiimahiisu dahab lamaantay iyo dahab xisaab celin laysku weydaarsado ayaa la isticmaalaa.

Habka Ganacsiga Dibadda.

Waddan walba xiriirka ganacsi ee uu dibadda la leeyahay hanti ayaa ka soo gasha uguna baxda, dalku badeeco ayuu dhoofiyaa lacag ama badeeco kale ayuu ku soo beddeshaa.

Guud ahaan waa in badeecadda dibadda laga keeno ay ka badan tahay tan la dhoofiyo ugu yaraanna waa in keenidda iyo dhoofinta badeecaddu isla egyihiin ama isu dheeli tiran yihiin.

Runtuse, waxaa jirta in heshiisyada dhaqaale ee dhex mara waddamada horumaray iyo kuwa dunnida saddexaad aysan ahayn kuwo siman oo isku si uga faa’iideystaan laba dhinac.

Lacagta adag.

Lacagta adag, waa shey lagu deen baxo oo lacag ajnabi ku habeysan, waxayna leedahay qiimo lacageed ee dalkeeda, oo haddeey gacanta kuu gasho dalkaasi ay tahay dalkaasi inuu kuu dooriyaa.

Markii isku beddelashada qiimaha laba lacagood oo laba dal isaga mid yahay isweydaarsigu waa jaan go’an yahay, Matalan hal dollar Muqdisho wuxuu la mid yahay 6 shillin iyo bar New Yorkna wuxuu la mid yahay 6shillin iyo bar, haddaba qiimaha isku beddelashada dollarka iyo shillinka labada magaalo muqdisho iyo New yorkba waa isku mid.

Haseyeeshee, waayahan dambe waxaa dhacday in doollarka aad loo urursaday, oo dalalka adduunka ku batay, maraykankuna uu awoodi waayay ganacsigiisa dibadda in uu intaas oo idil oo lacag ah inuu soo meersado ama soo wareejisto, waxaana habkii ganacsiga adduunka ku dhacay qalalaasi waxaan xumaaday jaan gooyntii qiimaha lacageed ee wax lagu kala baddesho ilaa dahabka mooyee.

W/Q: Dr. Maxamed Isaaq Mursal