Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo loo magacaabay afhayeen cusub (Akhriso)

Qoraal maanta ka soo baxay Guddoomiyaha golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada Federaaliga ah ee Soomaaliya ahna Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay afhayeen cusub.

Afhayeenka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay C/llaahi Sheekh Xasan oo iminka ah Wasiirka Dastuurka dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha oo ku socotay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubaland, K/Galbeed, Galmudug iyo Puntland ayaa sida muuqata waxaa ka maqan Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Waare oo isagu isagu dhowaan heshiis la galay Dowladda Dhexe ee Federaalka.