Ganacsigu Waa Mehrad Barakeysan.

Ganacsiga ayaa ah mid soo jireen ah qarniyaal fara badan, taasoo bini’aadanku isku dhaafsan jireen waxyaabaha ay u baahan yihiin, inkastoo waqtigii casri jaahiligii ganacsigu ahaa hab wax is-dhaafsi oo ashiyaa u badan sida Ruux u baahan xoolo ayaa ka kale ee u baahan badar qaab saas ah leysu weydaarsan jiray.

Qaabkaas wax is-weydaarsiga ayaa la mamnuucay xilligii Nabi Muxammad Csw, waxaana jirtay lacag Dahab ah oo ahayd Diinaar lagu qiimeyn jiray xoolaha, quutul daruuriga iyo meherkaba, taasoo markii dambana ay soo baxeeyn lacago kala duwan sida Dirham, Riyaal iwm, si dadli I dhex maro ganacsi wax ku ool ah leysku dhaafsado.

Dunnida markii ay u gudubtay waddamo iyo dowlado calan gaar ah kala leh iyo dhulka oo si gaar ah loo kala yeeshay warshadihiina horumar laga gaaray, xilligaasi oo lacagta qadaadiicda sii socota ayaa haddana la soo saaray lacagaha diinaarka, darhamka, riyaalka, geniga, dollarka, farangaha, shillinka, yenka iyo kuwo kale oo fara badan.

Waxaa soo ifbaxay maraakiib casri ah oo xamuulka ganacsiga oo isaga gooshi jiray qaaradaha dunnida.

Ganacsigaasi oo ahaa alaabada dhismaha, gawaarida, qalabka beeraha, daawooyin iyo raashinka quutul daruugiga iwm, waxaa markaa dal walba yeeshay waxyaabo isaga u gaar ah oo ay dunnida inteeda kale is-dhaafsan karaan sida, waxyaabaha beeraha ka soo go’a, cuntooyinka qasacadeysan, qalabka milliteriga, baabuurta sida kuwa raaxada, sharaabka, xoolaha nool iyo weliba alaabooyin iy badeeco kala duwan.

Waddamada horey u maray ayaa ganacsi wacan ku yeeshay dunnida, inkastoo waddamada soo koraya ganacsi wacan ku leeyihiin gudaha waddankooda iyo deriskaba ayaa xiriir ganacsi yeeshay kaasoo dan u ahaa labada geesood.

Haddii aynu eegno ganacsiga somaaliya inkasto hoos u dhac ku yimid marka la fiiriyo dhoofinta muuska oo kaalinta kowaad kaga jiray dunida.

Waxa haatan dibadda loo dhoofiyaa oo muuqda waa xoolaha nool oo si weyn ugu xiran ganacsigiisa dalalka khaliijka, waxaan filayaa in la dhoofiyo hargaha oo aan oran Karin waa heerkii awal oo kale, waxa jira saami yar oo fooxa dibadda loo iib geeyo.

Haddii aad is-barbar dhigto waxa dibadda laga keeno iyo waxa la dhoofiyo waxaa oo dareemeysaa in ay badan tahay waxa dibadda aan ka soo dhoofsano, taasoo culeys ku keenta dhaqaalaha gudaha ee dalka, mar haddii hoos u dhac weyn ku yimaado waxa dalka laga soo saaro ee dibadda loo iib geeyo.

Waxa lama huraan ah in  la kordhiyo soo saarka muuska oo tayeysan si kaallintii uu ku jiray loo soo celiyo.

Inkasto liin dhanaanta la dhoofiyo haddana waxaa ka habbooneed dhoofinta muuska, xoolaha nool, hargaha iyo saamaha, maleexaan oo yaxaas badeedka hilibkii oo la qallajiyay oo bariga iyo koofurta afrika loo iib geyn jiray waxaa lagu daabuli jiray gawaarida xamuulka meelaha fog u safriya sida gaarigii la oran jiray N3 iyo rimoorkii.

Dhinac kale, ganacsatada dalka ayaa door wacan ka cayaarey kaalinta hoteellada, baararka cuntada fudud, carwooyinka alaabada electronics, alaabooyinka xafiisyada iyo guryaha iwm, sidaasi oo ay tahay haddana waxa meesha ka marneen tayada cuntooyinka iyo cabitaanka oo tayadiisa aan sidaasi aheyn sidaa awgeed waa in xil leyska saara keenista daawo tayo leh si loo daryeelo dadka bukaanka ah in ay helaan daawo bad qabta.

Si kastaba ha ahaatee arrinta ganacsigu, waa mehrad wacan oo  horumar leh haddii si habboon loo hagaajiyo macaamiisha leyskana ilaaliyo waxyaabaha dhaawac u geysan kara horumarinta ganacsiga.

Ganacsatada Soomaaliyeed Ayaan u rajeynaya horumar waxaana habboon in laga fikiro alaabada la soo dhoofsanayo iyo kuwa dibadda loo iib geeyo labadaba in ay  helaan dammaanad ama ceymis caalami ah ama mid goballeed ama mid heer qaran si hantidooda mar kasta ay u badbaado.