DHAGEYSO: Warar aan wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Wada Hadaladii Dagaalka Tukaraq

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dagaalO xoog leh waxay ku dhex mareen Deegaanka Tukaraq oo Mudo badan ay isku horfadhiyaan, Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa ku fashilmay wada hadalo ay ku doonayeen in xalka laga gaaro colaada.

Xildhibaan Axmed Maxamed  oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in uu buray wada hadalkii nabadda ee Tukarraq, isagoona waxbo kama jiraan ku sheegay eedeymo kaga yimid dhanka Puntland oo la xiriirta in dagaalka ay ciidankoodu ku horreeyeen.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Wuxuu sheegay in dagaalka uu yimid markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga hore ee jiidaha dagaalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay meesha ka baxeen dedaalladii nabadda oo beesha caalamka ay ka dhex waddey Labada dhinac.