Damaaciga soo-socdoow Haddaad moodday Gudcur dam ah Maahee Dayaxu waa Shan iyo Toban.

Waxaa qalabiga Ummadda Soomaaliyeed sida dabeysha ugu wareegaya, goorta ay heli doonaan dareelka danta guud, oo ay ugu horreeyaan goobahii Caafimaadka iyo gargaarka degdegga ah, soo jeedkii kalantankii farmashiyeyaalka kuwaasoo diyaar u ahaa dadka habeenkii xanuunsada sida kuwa neefta qaba iyo weliba heegankii taqaatiirta isbitaallada, taasoo loo baahan yahay xilliyada habeenkii ah iyo xilliyada ay dhacaan shilalka ay sababaan gaadiidka dagaallada iyo warshadaha.

Sidoo kale, waxaa dadka indhahooda muddo badan ka daahay boosteejooyinkii baabuurta laga raaci jiray iyo gaadiidkii degmooyinka u kala gooshi jiray oo lambareysan kaasoo dadku ay ku qabi jireen amni, lana yaqiinnay meeshuu ka baxayo iyo meeshuu u socdo, arrintan waxay waxbadan ka tari lahayd dadka aan magaalada kala aqoon iyo kuwa shaqada u deg-degaya, waxayna hadda u maraan degmooyin kala duwan oo aysan dan kala heyn oo waxayba gaadiidka qaarkiis kaa luminayaan jahadi aad u socotay.

Shacabka Soomaaliyeed, waxay tebayaan oo aysan muddo helin Dugsiyadii Waxbarashada ee lacag la’aanta ahaa, sidoo kale, Waxbarashadii Dadka waa-weyn oo Iyana faa’iido badan lahayd, wuxuuna shacabku ka dhursugayaa waxyaabaha aan kor ku soo xusnay oo dhan.

Sidoo kale Dareenka Shacabka, waxaa ka dhax-guuxaya, Ceelashii biyaha macaana iyo korontadii ay ku taami jireen goorta loo soocelin doono, weliba gaadiidkii dowladda hoose ee dadku u yaqiineen Shitaawe, ama Baska dowladda hoose ee lagu raaci jiray qiimaha aadka u jaban iyagoo gaari jiray masaafo aad u kala fog.

Waxa kaloo dareenka shacabka ka dhex guuxaya, goorta ay heleyaan  Degmooyin la shaqeeya xaafadaha iyo deeganka ay xukumaan kawar hayn iyo lashaqayn gaar ah taasoo ay aad u wanaagsan tahay in ay iskuxiran yihiin dagma iyo shabkeeda sababtoo ah dagmadu waxay masuul katahay shacabka kunool deegaaanka ay xukunto hadaba maqaalka dareeka shabku waxa uu idiinso ban dhigaaya had iyo jeer wacyi gelin ku saabsan midnimo isgarabsi wada shaqayn iyo hormar taasoo lagu gaarikaro guusha ugu sareeysa iyo higsiga qaran baaxad.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed aysan helin muuddo dheer haba- yaraatee Caafimaadka Suuqyada oo looyaqaanay Faya- dhowrka kaasoo ka shaqeyn jiray Nadaafadda, hanoqoto Raashinka la kariyo iyo midka Ceyriinka ah intaba iyo waliba Dadka kashaqeeya Maqaayadaha Iyo Hoteelada ha noq deen kuwa ay Dowladda leedahay ama kuwa Shacabka, kuwaasoo aad ugu howl gali jiray xil weynna iska saari jiray Ilaalinta Caafimaadka Umadda Soomaaliyeed iyo Cid kastoo Dalkooda ku nool .

Waxaa kale oo qalbiga iyo Maskaxda kaaga soodhacaya qaylo iyo buuq siyaasaded Fadhi kudirarro aan xadlaheyn, kuwaasoo ugu imaanaya Gobolada iyo Degmooyinka lagana soo xawilo Internet-ka iyo Idaacadaha gaarka loo leeyahay waxayna shaqo iyo camal uga dhigaan kuwo leh dano gaar ah  oo dadka koox koox ulasafta kuna buun buuniyaan Shaqsiyaad gaar ah oo aysan wax aqoon ah aan u laheyn warna aysan u heynba waxa uu Ummadda uqaban doono iyo xitaa isagaa buun buuninaayo, laakiin ma jiro Beel ama Qabiil maanta si qaas ah Siyaasi u daafacaysa oo waayo horay ayaa loogu soo gubtay Qof waliba waxa uu Ummaddan u geystay Wanaag iyo Xummaan taariikhda ayaa qori doonta nasiibkiisa ayuuna Miisku ka qaadan doonaa, waxaa wali ku taagan dareenka shacabka Dagaalada Siyaasadeed ee goos gooska ah ee wali ka jira qaar ka mid ah Gobollad Dalka, Kala goynta Gobollada sheegashada Xudduudaha beenta ah iyo wiiqista xooga Shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah waxay kamid tahay u adeegista Gumeytaha noociisa cusub, Hadal iyo Dhammaatiis, waxaan ku soo gabagabeynaynaa qormadaan dareenka Shacabka heestan soo socta ee lagu magacaabo Dayaxu waa Shan iyo Toban:-

Waxaannahay Duul Muslinna Dalkooduna uu ku yaal Dunnida dacalka afrikoo Dadnimo Soomaaliyoo diirkoduna yahay madow Deriska waan dhowrayaa  Damacna layga badan Xummaantana kuma deg degoo Marbaan ahay Dahab iyo Malab Dusheydana lagu gamaa Marbaan ahay dacar qaraar Dab iyo holac lagu gubtaa Midise waa iga digniin Damacga soo socdow Haddaad gudcur moodday dam ah Dayaxu waa Shan iyo Toban Dareenkuna wuu fog yahay.

Geed wayn baa la harsadaa

Gacanti wax bixisa iyo

gobaa marti loo noqdaa

Gafkaa laga dhawrsadaa

Gaadiid waa lagu sabraa

Gabaad waa  la dugsadaa

guullaa risiq laga baryaa

inantii gaamurtiyo

garoob wa laguursadaa

geeslayda xoolahiyo

geelaa miyi lagu dhaqdaa

gobannimo waa la radiyaa

gunimo waa laga baxaa

wanaggaa loo gudbaa

xumaan waa la gees maraa

shacabku geedku harsado iyo

hagubin gurigii midnimo

guushana waa lagu farxaa

go’aan waa lagu qancaa.

Waa tixo loogu tala galay inaad wax ku qaadataan

Sidaas iyo Soomaalisan guul iyo midnimo

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre