Ciidamada Amniga oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Farsooley ee Gobalka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Amniga ayaa Howlgal qorsheysan oo looga hortgayo Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab ka fuliyay tuulada Farsooley ee Gobalka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada Al shabaab.

“Ciidamada Amniga ayaa xalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 6-da November 2018, howlgal qorsheysan oo looga hortagayo Al Shabaab ka fuliyay tuulada Farsooley ee gobalka Sh. Hoose.

Ciidamada amaanka ayaa har iyo habeyba u taagan inay beegsadaan Xagjirka AS, goor kaste iyo meel kaste”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA oo Lagu daabacay Beejka Hay’adda ee Twitter-ka.

Ciidanka amniga ayaa sidan oo kale horay howlgalo qorsheysan uga fuliyay qeybo ka mid ah dalka oo ay ku sugaanyeen Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab,kuwaasoo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab,iyadoona lagu bur buriyay saldhigyo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada.