Ali Omar Adan Oo Afduubka Laba Wariye dartiis Xukun Lagu Riday ..

Maxkamadd kutaala dalka Canada ayaa Xukun ku riday muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay in uu ka dambeeyay Afduub loo geystay wariyayaal u kala dhashay dalalka Canada iyo Australia oo sanadii 2008-dii laga afduubtay gobalada Soomaaliya.

Ali Omar Adan oo 40 sano jir ah ayaa maxkamadu waxaa ay sheegtay in uu ka dambeeyay afduubka wariyayaashaasi loo geystay, iyadoona maxkamadu ay ku xukuntay xabsi 15 sano ah.

Amanda Lindhout oo 26 sano jir ah oo uu wehliye Nigel Brennan oo ahaa sawir qaade u dhashay dalka Australia oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa laga afduubtay magaalada muqdisho isbuucii ugu horeeyay iyadoona 15 bilood ay heysteen dadkii ka dambeeyay afduubka loogeystay wariyayaashaasi.

Dhinaca kale maxkamadda ayaa sheegtay in haweeneyda ka soojeeda dalka Canada ay kula kaceen kufsi iyo jirdil baahsan, iyadoona waqti habeen ah midi ay qoorta kasaareen uguna hanjabeen in ay qoorta ka jari doonaan hadii ay qoyskeeda soo diri waayaan lacago madaxfurasho oo gaaraya 1.5 million oo doolarka Mareykanka ah si ay nafteeda ugu badashaan.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa haatan wajahaya xabsi gaaraya 15 sano kadib markii muddo ay soo jitameysay eedeymahaan loo heysto muwaadinkaasi Soomaaliyeed.