Deg Deg: Weerar dad badan oo Soomali ah ay ku jiraan oo goordhow lagu qaaday Masjid ku yaal Dalka New Zealand

Lix Qof oo ay Saddex ka mid ihi Soomaali ahaayeen ayaa ku geeriyootay, weerar uu Nin Hubeysan weeraray Masjid lagu Magacaabo Al-Nuur oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Dadka dhintay oo lagu kala Magacaabo, Sheekh Muuse Nuur Cawaale, oo ahaa Macallin Dugsi, Sheekh Cabduqaadir iyo Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah Wiil Lix Sano jir ah, halka uu dhaawac kasoo gaaray Aabihii oo la yiraahdo, Aadan Diiriye.

Masjidkan oo Dadka ku sugnaa ay isu diyaariyeen Tukashada Salaadda jimacaha ee Maanta ayaa lagu qiyaasay 200 Qof, waxaana sidoo kale goobta ku dhaawacmay Muslimiin kale oo halkaasi ku cibaadeysanayay.

Boliiska ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay uu ka yimid Dalka Australia, bar-tilmaameedkuna uu ahaa Laba Masjid oo halkaasi ku yaalla.

Ninkan weerarka geystay ayaa la sheegayaa inuu taageersan yahay afkaarta midigta fog, kana soo horjeedo Dadka soo galootiga ah.