Mareykanka oo ka hadlay Duqaymo uu ka fuliyay Deegaano ka mid Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxaafadeedka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 13- Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Malayle oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Shabaab.

Mareykanku ma shaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, ha yeeshee waxay xaqiijiyeen in duqeyntaas aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana horantii todobaadkaan weerar dhinaca cirka ah uu ku qaaday deegaanada Daaru-Salaam iyo Huley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.