Al-Shabaab Oo Abaabul Ciidan Ka Wadaan Gobolka Sh. Hoose

Dagmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka Sh.Hoose ayaa waxaa ka dhaco dagaalo aad u xoogan oo la isku adeegsado hubka nuucyihiisa kala duwan , dagaladaas oo ay isaga hor imadaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helayo kuwa Amisom iyo Mareykanka oo dhinaca ah halka kooxda xarakada Alshabaab dhinaca tahay, iyadoona ila hada aan la ogaan Karin xiliga rasmiga ah ee kooxda Al.shabaab looga adkaan karo dagaalka sanooyinka qaatay.

Dadka ku nool deeganaada ayaa Radio Somaliweyn u sheegay in cabsi badan ay ka qabaan in Gobolka sh.hoose hooy iyo saldhig u noqdo ururka al.shabaab oo dowlada Somalia dagaal kula jiro dibna u bilaawdo dagaalka alshabaab iyo dowlada Somalia oo taageero malatari ka heleyso ciidamada Amisom iyo kuwa mareykanka oo duqeeymo ka fuliyo gobolka sh.hoose.

Cabsida laga qabo in mar kale dagaalo iyo weeraro cirka ah in ee dhacaan ayaa ku soo beegmeyso xili kooxda alshabaab awoodooda ciidan ku so bandhigaan deeganada ee gacanta ku hayaan lagana dareemaayo abaabul ciidan oo aad u xoogan taas oo keeni karto in alshaab duulaan xoogan ku qadaan degmooyinka Marko, Janaale, Qoryooley oo eek a socodaan abaabulada ciidan ee ey wadaan kooxda al,shabaab.

Tan iyo markii maamulka Yusuf Indhacade meesha ka baxay Gobolka Sh.hoose wuxuu hooy u ahaa kooxda Alshabaab oo dadka ka ay ugu  qaadaan  lacago baad ah oo ay ugu magaca dareen sakawaad, dhanka kale Gobolka Sh.hoose waxaa ku taalo maxakamada ugu sareeyso ee Xarakada Al.Shabaab garta ku kala qadaan waxaan u xukun tagaan dhamaan dad weynaha ku nool koonfurta iyo bartamaha soomaaliya xitaa mararka qaarkood waxaa dhacado in ee qadaan xukumo dowlada garsoorkkooda ee xalin wayaan taasna waxey keentay in dadka shacabka ah ku kalsoonadaan garsoorka kooxda Al.shabaab.

Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo wali kuma guuleysan in ee dagaal ku qaado kooxda alshabaab kana cirib tiraan guud ahaan Gobolka Sh.Hoose taasna waxey keentay in dad badan oo shacab ah ee isaga qaxaan gobolka ayaga oo raadsanayo meel ey nabad ka helaan.

WQ Sabir Elmi Yusuf
Saabirelmi@gmail.com
Radio Somaliweyn
Göteborg- Sweden